Isku aadka wareegga afar dhamaadka tartanka Shabelle oo la sameeyay

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa heer gabagabo ah maraya tartan aqooneedka faca wayn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo ay sanadkan ka qayb-galeen illaa 24 degmo.

 

Tartanka waxaa haatan isugu soo haray afar degmo oo ka wada tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo kala ah Xamar, Jabab, Howl-wadaag, Dayniile iyo Hodan.

Isku aadka oo xalay la sameeyay ayaa waxaa degmooyinkan ay isku arki doonaan Xamar-Jajab iyo Howlwadaag oo lagu bilaabi doono wareeggan, Dayniile iyo Hodan oo iyaguna ciyaari doono lugta u dambeysa, waxaana kadib la aadi doonaa Finalka Tartanka.

Sanadkan waxaa barnaamijka taaba-gelinayo shirkadda isgaarsiinta Somtel, halka su’aal diyaarintuna a tahay Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here