Itoobiya iyo QM oo ka wada-hadlay doorashooyinka Soomaaliya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa wada hadal la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen doorashada Soomaaliya, dib u habeynta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyo baahida loo qabo in laga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u sheegay Ergeyga gaarka ah in Itoobiya ay si dhow ula socoto hannaanka doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ethiopia ku faraxsan tahay hannaanka doorashadu ku socoto.

Demeke ayaa sheegay in wadashaqeyntu ay lama huraan tahay si looga hortago isku dayga kooxda Alshababab ee ku aaddan ka faa’ideysiga hannaanka doorashada Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay hanaanka dib u habeynta ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo doorka dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here