Jaaliyadda Soomaalida UK oo sheegtay iney soo wajahday halis xoogan

0

LONDON (SMN) – Jaaliyadda Soomaalida UK, ayaa bilaabay iney Soomaalida u sharaxaan sidii ay u wajihi lahaayeen xaaladda soo cusboonaadey, ka gadaal markii dhawaan ruux Soomaali ah uu diley xildhibaan Ingiriis ah.

Dhibaatada jaaliyada soo wajahday haatanba, ayaa waxaa kamid ah iney soo gaarayaan farriimo hanjabaado ah, iyo iney is badal ku sameeyeen hab nololeedkoodii.

Hoggaamiyeyaasha jaaliyadda ayaa ka wacyi galinaya Soomaalida nidaambkii ay ula dhaqmi lahaayeen, haddii lacalla booliisku ay la kulmaan, ama su’aallo in la weeydiiyo loo baahdo.

Waxaa xiran wiil asalkiisu yahay Soomaali, kaasoo lagu magacaabo Ali Harbi Ali, dadiisuna tahay 25 sano jir. Wiilkan ayaa ku dhashey Ingiriiska, isagoo takhasus dhakhtarnimo diyaarinayey.

Sidoo kale, waalidka ruuxa xiran ayey dhawaan booliiska Ingiriiska ka qaadeen taleefankiisa gacanta, si baaritaan dheeraad ah looggu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here