QAAHIRA (SMN) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee ay maanta Jaamacadda Carabta ka yeelaneyso heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.
Safiirka ayaa tilmaamay in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.
Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya.
Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in shirka laga soo saaro go’aan adag oo gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sdioo kalena lagu taageerayo dhamaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso faragelinta Itoobiya, taas oo ah xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.