Madaxweynaha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Uganda + Ujeedkaa

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay beri u duulaan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

 

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriira ka qayb-galka shir ay leeyihiin dalalka IGAD, kaas oo looga hadli doono xiisadda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa codsatay Soomaaliya, si looga hadlo xadgubka Itoobiya ee ku aadan madax bannaanida Soomaaliya, kadib heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland.

Maeaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan haya guddoonka IGAD ayaa ku dhowaaqay shirka waxaase marti gelinaya madaxweyne Uganda Yoweri Museveni.

Dhinaca kale Itoobiya ayaa lagu soo warramayaaa inay diiday ka qayb-galka shirkaas, taas oo weji gabax ku ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa.

Soomaaliya ayaa guul dublomaasiyadeed oo weyn ka gaartay waddanka Itoobiya oo dhaleeceyn iyo cambaareyn xoogan kala kulantay heshiiska badda ee ay kowdii bishan la gashay maamulka Somaliland, kaas oo xadgudub ku ahaa madax bannaanida Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here