James Swan oo Golaha ammaanka uga warbixinaya xaaladda Soomaaliya

0

MUQDISHO [SMN] – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo isniin ah yeelanaya fadhigoodii caadiga ahaa, kaasoo looga hadli doono xaaladda Soomaaliya oo uu ka dhacay isbeddel siyaasadeed.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sida la filayo waxay warbixin ka dhegaysan doonaan ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.

James Swan ayaa golaha ammaanka siindoona warbixin ku saabsan horumar la taaban karo ee laga sameeyay dhameystirka hannaanka doorashada, kadib markii 15 kii bishaan May lasoo gabagabeeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa lagu wadaa inay soo saaraan bayaan ay kusoo dhoweynayaan doorashada ka dhacday Soomaaliya iyo guusha uu gaaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh.

Bishaan May 13keedii danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa warbixin uu u diray golaha ammaanka wuxuu kaga hadlay dhameystirka doorasha Soomaaliya.

Isha: HOL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here