James Swan oo la kulmay guddiga loo saaray ilaalinta qoondada haweenka

0

MUQDISHO (SMN) – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta la kulmay Danjirayaasha Qoondada haweenka ee 30% ee baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda kale ee haweenka Soomaaliyeed.

Swan ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in haweenku ay ka mid noqdaan kuraasta baarlamaanka ee weli la dooranayo.

Sidoo kale in la taageero sidii ay si buuxda uga qayb qaadan lahaayeen hababka go’aan qaadashada Soomaaliya, oo ay ku jiraan baarlamaanka iyo xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here