QAAHIRA – Janaraal Mascuud Maxamed Warsame oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo Mudooyinkii dambe ay dalka Masar uga socotay waxbarasho sare oo la xariirta Kulliyadda Sare ee Dagaalka ayaa ka qalin-jabiyay Akadeemiyada Militariga ee Daraasaadka Sare iyo Istaraatiijiyadda.
Janaraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa kamid noqonaya saraakiisha Soomaaliyeed ee helay tababarrada heerka caalami ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda iyo aqoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna Jeneraal Mascuud kaalin muhiim ah ka soo qaatay dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shbabaab.




