Jeneraal Odowaa oo Booqasho Rasmi ah ku Jooga Talyaaniga si loo Xoojiyo Iskaashiga Milatari

0

ROME, Talyaaniga – Wafdi ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Taliyaha CXDS, S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, iyagoo booqday xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka Difaaca Talyaaniga.

 

Wafdiga ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay xarunta taliska ciidamada Talyaaniga, halkaas oo uu ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Difaaca Talyaaniga, Jeneraal Luciano Portolano.

Intii ay booqashadu socotay, General Odawaa iyo wafdigiisa waxay la yeesheen kulan rasmi ah Jeneraal Portolano iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Talyaaniga.

Kulankaas ayaa looga hadlay iskaashi militari iyo danaha ay wadaagaan labada dal, iyadoo diiradda la saaray xoojinta xiriirka milatari iyo wada shaqeynta dhanka ammaanka iyo difaaca.

Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa xoojinaya xiriirkooda laba geesoodka ah, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo isdhaafsiga dhaqanka.

Labada dal waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, maadaama Talyaanigu uu mar soo maamulay Soomaaliya xilligii kalaguurka ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Haddana, labada dowladood waxay si firfircoon uga shaqeynayaan sidii dib loogu dhisi lahaa xiriirkaasi looguna ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyo badan leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here