Janaraal Xuud oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Janaraal Abuukar Warsame Xuud oo uu la socdo taliyaha ciidamada dhulka ee milatariga Soomaaliya Janaraal Maxamad Tahliil Biixi.

Labada Janan ayaa ka soo duulay magaalada Beledweyne oo ay wadahadallo ku lahaayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Xuud ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Madaxweynaha Somalia Maxamad Cabdillaahi Farmaajo si xal kama dambeys ah loogu hello khilaaf ka taagan gobolka Hiiraan.

Janaraal Xuud ayaa indhowaanahan ku sugnaa duleedka degmada Beledweyne, wuxuuna kasoo horjeeday HirShabelle iyo doorasho lagu qabto gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here