Jubbaland oo dhammeystireysa doorashada xubnaha Aqalka Sare

0

Kismaayo (SMN) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa saacadaha soo socda ee maanta ka dhaceysa doorashada xubnihii ugu dambeeyey ee Aqalka Sare, kana imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Doorashada la qabanayo oo ah illaa afar kursi ayaa waxaa ku tartamaya illaa sideed musharrax oo qaarkood ay yihiin dumar.

Xubnaha tartamaya ayaa kala ah:- Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh, Ibrahim Awgaab Cismaan iyo Farxiya Macalim Cabdi, Maryan Faarax Kadiyeiyo Samsam Maxamed Bishaar, Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali.

Sidoo kale waxaa haatan socota hadal jeedinta xubnaha musharixiinta, kadibna waxaa la guda gali doonaa doorashada afarta kursi ee ku harsan maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here