Guddiga doorashada Jubbaland oo FEIT ku wareejiyey galalka 34 xildhibaan

0

KISMAAYO (SMN) -Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa maanta guddiga FEIT ku wareejiyay galalka illaa 34-xildhibaano oo deegaan doorashadooda 1-aad ay ahayd magaallo xeebeedka Kismaayo, waxaana la wareegtay Marwo Faadumo Abdullahi oo wakiil ka ahayd guddgiga doorashooyinka dalka ee heer federaal.

Goobta lagu wareejinayay xogta xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sugnaa 11-ka xubnood ee SEIT iyo Guddiga EDRC.

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad Goboleed ee ( SEIT) Puntland, ayaa shalay guddiga doorashooyinka heer federal ee (FEIT) Ku wareejiyey xogta iyo galalka doorashadii ka dhacday Puntland ee lagu soo doortay Xildhibaanada labada Aqal.

Guddiga hirgelinta doorashada heer federaal ayaa guddiyada kale ee doorashada ee aan wali soo gudbin xogta iyo galalka xildhibaanada ka dalbaday in ay ku keenaan waqtiga loo asteeyay dhammeystirka shaqadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here