Jubbaland oo qabatay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka

0

KISMAAYO (SMN) – Xildhibaano cusub oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow lagu doortay Kismaayo, kadib doorasho ka dhacday magaaladaasi.

Kursiga koowaad ee doorashadiisa la qabtay oo ah HOP114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland waxaa kursigan ku guuleystay Cumar Ibraahim oo helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey Cabdi Aadan Cabdullaahi uu helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod.

Sidoo kale kursiga labaad Hop107 ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta kale ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto gudaha magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here