Jubbaland oo soo geba-gabeeyneyso diiwaangelinta musharaxiinta BF

0

KISMAAYO (SMN) – Guddiga doorashooyinka heer dolwad goboleed ee Jubbaland ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaba-gabeeyaan diiwaangelinta Musharaxiinta lix kursi oo dhawaan lagu dooran doono Magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa shalay bilaabay diiwaangelinta Musharaxiinta waxana ilaa iyo hada la diiwaangeliyay Musharaxiin dhowr ah oo uu kamid ahaa Musharax Xamse Cabdi Barre iyo Musharaxiin kale oo u tartami doono lixda kursi ee dhawaan guddigu shaaciyay in doorashadooda lagu qaban doono Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose,iyadoon barito lagu wado in halkaa lagu qabto doorashada kuraasta lixda kurisi ee Golaha Shacabka.

Jubbaland waa maamulkii saddexaad ee qabanayo doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey Galmudug iyo sidoo kale Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here