Karaash oo xilka qaadis ku sameeyey saddex wasiir, kuwa kalena magacaabay

0

GAROOWE (SMN) – Ku simaha madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xilka qaadis ku sameeyey wasiirada Amniga  Maaliyadda Iyo Arrimaha gudaha ee maanulkaasi, isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Warsaxaafadeeed kasoo baxay Xafiiska Karaash ayaa u qornaa:-

XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.

MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadoodo shaqo.

MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.

WUXUU XEERIYEY:

MAGACAABID

1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland

2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.

Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here