Kenya oo ganacsade u xirtay hubkii lagu qabtay Dekadda Muqdisho

0

NAIROBI (SMN) – Booliska Kenya ayaa qabtay ganacsade lala xiriirinayo hubkii dhawaan lagu qabtay dekadda magaaladda Muqdisho, kaasoo dowladda Federaalka sheegtay inuu kusii jeeday Al-Shabaab.

 

Ganacsadaha oo lagu magacaabo Zakariye Kamal Suufi, ayaa hub iyo walxo qarxa uga soo iibiyay Al-Shabaab dalka Shiinaha, wuxuuna kusii dhex-qariyay badeecooyin kale si aan looga shakin marka uu Soomaaliya usii dirayay.

Hay’adda dembi-baarista Kenya ayaa Soomaaliya iyo Shiinaha u dirtay Saraakiil baaritaan ku sameeyay kiiskan, waxaana ay soo heleen xogta kunteenarada lagu qabtay Dekadda Muqdisho bishii May iyo cida soo iibisay.

Kadib markii ay hay’adaha amniga Kenya heleen macluumaadka hubka oo soo maray Dekadda Mombassa, waxay gacanta ku dhigeen ganacsade Zakariye Kamal, oo ah ninka ku qornaa labo kunteenar oo NISA qabatay.

Baariyaasha ayaa xog muhiim ah ka helay taleefonka ganacsadaha la qabtay, taasoo muujinaysa inuu xiriir toos ah la sameyn jiray saraakiil katirsan Al-Shabaab, oo arrimaha soo iibinta iyo fududeynta keenista hubka iyo walxaha qarxa kawada hadli jireen.

Booliska Kenya oo hadda baaritaan iyo su’aallo waydiin ku haya Zakariye ayaa sheegay in ninkan uu ahaa ganasade laga yaqaano magaaladda Mombassa, oo howlihiisa ganacsi ku dhex-watay arrimo sharci daro ah, oo ay kamid tahay inuu dalalka dibadda Al-Shabaab uga soo iibiyo hubka, una keeno dekadda Muqdisho.

Qaab Online ah ayuu lacagaha hubka lagu soo ibiyo ku bixin jiray, isagoo isticmaalaya app-ka WeChat iyo Alipay, waxaana sidoo kale baaritaan lagu hayaa akoonadiisa bangiyada Kenya.

Hay’adda Dembi baarista Kenya waxay dalbatay 10 maalin oo dheeraad ah in loogu daro su’aallo waydiinta ninkan, maadaama kiiska uu lugaha la galay Al-Shabaab, islamarkaana laga raadinayo macluumaadka saddex dal oo kala ah Kenya, Soomaaliya iyo Shiinaha.

Amaanka ganacsade Zakariye ayaa aad loo adkeeyay, sidoo kale qoyskiisa ayaa loo yeelay ilaalo gaar ah, kadib markii loo soo hanjabay, sida booliska Kenya ay sheegeen.

Ganacsadaha ayaa dafiray eedeymaha loo haysto, isagoo sheegay in alaabta uu usoo diray Muqdisho, aanay ku jirin hub iyo walxo qarxa, sida booliska Kenya sheegeen.

Kunteenarada la qabtay sida ay wasaaradda amniga Soomaaliya soo bandhigtay waxaa ku jiray diyaarado drones ah, waxyaabo qaraxyada laga sameeyo, qoryaha meelaha fog wax loogu toogto, iyo agab kale oo isgaarsiinta ciidanka iyo koofiyadaha aan xabada karin kamid yihiin.

Illaa hadda dowladda Soomaaliya masoo bandhigin macluumaadka dadkii ku qornaa kunteenarada ay qabatay, balse waxay wasaaradda amniga sheegtay inay jiraan shaqsiyaad loo xiray.

Arintan ayaa kusoo aadaysa xili dowladda Soomaaliya dalbatay in laga qaado xayiraada hubka ee dalka saaran 31 sano, si ay dibadda uga keensato hub culus maadaama ciidanka xooga isku diyaarinayaan inay sanadka socda kala wareegaan ATMIS mas’uuliyadda amniga wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here