Kenya oo war cusub kasoo saartay duulimaadyada Soomaaliya

0

Kenya ayaa ka digtay inay xayiraad guud ku soo rogi doonto duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa howlaha gargaarka bani’aadamnimada.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa ku sheegtay warqad ay u dirtay xafiisyada hay’addaha fuliya arrimaha bini’aadanimada in duulimaadyada loo isticmaalay “arrimo siyaasadeed” xitaa ka dib markii Kenya ay joojisay duulimaadyadii.

Kenya ayaa dhawaan hakisay duulimaadyadii ka imaan jiray dalka Soomaaliya balse waxaa la joojinin duulimaadyada adeegyada gargaarka degdega ah iyo kuwa ku wajahan xafiisyada Qaramada Midoobay.

Balse Kenya waxay ka digeysaa in “duulimaadyada bani’aadamnimada ay tahay in kaliye loo isticmaalo arrimaha bani’aadamnimada.”.

Wasaaradda ayaa sidoo kale dalbatay in dhammaan duulimaadyada gargaarka bini’aadanimada ay marka hore helaan caddeyn ayna soo gudbiyaan liiska rakaabka iyo sidoo kale alaabaha la rarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here