Khubarada Qaramada Midoobay oo Sharci-darro ku Tilmaamay Xil-ka-qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya

0

Muqdisho – Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay oo qaabilsan xuquuqda aadanaha iyo madaxbannaanida garsoorka ayaa si adag u cambaareeyay xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn shuruucda iyo habraacyada dastuuriga ah ee dalka.

 

Bayaan ay khubaradu soo saareen 12-kii Nofeembar 2026 ayay ku sheegeen in xil-ka-qaadista Baashe Yuusuf Axmed, oo lagu sameeyay wareegto madaxweyne 4-tii Nofeembar, aysan marin habraacyadii sharci ee looga baahnaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka iyo ansixinta Baarlamaanka.

Khubaradu waxay sidoo kale dhaliileen dhaarinta Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Ibraahim Iidle Suleymaan, oo dhacday 7-dii Nofeembar, iyagoo sheegay in magacaabista degdegga ah ee beddelkiisa aan loo marin habraacyada sharciga ah, taasina ay dhaawici karto madaxbannaanida garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga.

Waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay dib ugu soo celiso Baashe Yuusuf Axmed xilkiisii, isla markaana ay dammaanad qaaddo amniga isaga iyo garsoorayaasha kale, si ay waajibaadkooda u gutaan iyaga oo aan la kulmin cadaadis, cabsi-gelin ama faragelin siyaasadeed.

Khubaradu waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen wararka sheegaya in garsoorayaal qaarkood laga qaaday ilaaladii amniga, iyagoo ku baaqay in dib loo soo celiyo ilaaladooda, ciidamada amnigana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo carqaladeyn karta shaqada Maxkamadda Sare.

Mowqifka khubarada Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli uu muran sharci iyo mid siyaasadeed ka taagan yahay muddo-xileedka hay’adaha dowladda, kadib markii Maxkamadda Sare ay dhageysatay dacwad la xiriirtay muddo-kordhinta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Khubaradu waxay carrabka ku adkeeyeen in madaxbannaanida garsoorku tahay tiir muhiim u ah dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo cadaaladda, isla markaana garsoorayaashu ay awood u leeyihiin inay go’aannada ku saleeyaan sharciga iyaga oo aan la kulmin faragelin ama cadaadis kaga yimaada hay’adaha kale ee dowladda.

Baaqa Qaramada Midoobay ayaa sii kordhinaya dareenka caalamiga ah ee ku aaddan khilaafka ka dhex taagan hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo mustaqbalka madaxbannaanida garsoorka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here