Baydhabo, Soomaaliya – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday in si ku-meel-gaar ah loo hakiyay dhammaan duulimaadyada diyaaradaha ee taga degmooyinka ay maamusho maamulka Koonfur Galbeed.
Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankan uu dhaqan galay 7-dii Sebtembar 2026, kaddib markii ay soo baxeen walaacyo la xiriira amniga garoomada diyaaradaha iyo goobaha ay diyaaradaha ka howlgalaan.
Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta badqabka rakaabka iyo amniga guud, iyadoo shirkadaha diyaaradaha iyo hawl-wadeennada duulimaadyada lagu amray inay u hoggaansamaan go’aanka.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegtay in duulimaadyada dib loo bilaabi doono marka xaaladda amni ay oggolaato, iyadoo shirkadaha diyaaradaha looga digay inay sameeyaan duulimaadyo aan la jaanqaadayn jadwalka iyo awaamiirta wasaaradda.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed iyo maamul oo ka dhex jira Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada ku kala aragti duwan maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda.





