Koonfur Galbeed oo qabaneyso doorashada kuraas ka mid ah BF

0

BAYDHABO (SMN) – Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada  saddex kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya Koonfur Galbeed.

Kuraastan oo ah kuwii ugu horreeyey oo ay doorashadeeda qabaneyso Koonfur Galbeed ayaa kala ah HOP#182, HOP#170 iyo HOP#171.

HOP#182, waxaa kursigan markale u tartamaya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, waana shaqsiga ugu cadcad marka la barbar dhigo musharixiinta la tartameysa.

HOP#170, waxaa ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali oo kursigaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad ku metalay Koofur Galbeed.

HOP#171, Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa kursigaan ku fadhisay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka maanta ayaa la qabanayaa Doorashadiisa.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamul goboleedkii labaad ee guda-galayo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana ka horreeyey dowlad goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here