Koonfur Galbeed oo shaacisay liiska doorashada kuraastii ugu dambeysay

0

BAYDHABO (SMN) – Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray liiska doorashada kuraastii ugu dambeysay ee ku hartay maamulkaasi, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Baydhabo.

Kuraasta la shaaciyey ee la qabanayo doorashadooda ayaa ah illaa 7 kursi, waxayna kala yihiin:- HOP#181, HOP#204, HOP#197, HOP#179, HOP#172, HOP#164 & HOP#047.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono maalmaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here