Koonfur Galbeed oo toogasho ku fulisay nin dil ka geystay magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku ridday Maxamed Xasan Maxamed oo lagu helay dilkii loo geystay Aamino Malaaq oo maalmo ka hor si arxan darro ah loogu dilay Baydhabo.

Eedeysanaha oo isla maanta lagu fuliyey xukunka lagu riday ayaa lagu toogtay goob fagaare ah, waxaana goobjoog ahaa dadweyne fara badan iyo mas’uuliyiinta maamulka.

Sida ay Maxkamaddu sheegtay Maxamed ayaa marxuumadda oo ku laheyd Deyn ugu yeeray gurigiisa, kadibna markii ay u tegtay dilay, kuna riday meydkeeda Suuliga.

Dilka ay fulisay maxkamadda gobolka Baay iyo go’aanka Koonfur Galbeed ee la xiriira kiiskan ayaa waxaa soo dhaweeyey ehellada Aamino iyo dadka Soomaaliyeed ee la socday dhacdadaasi argagaxa laheyd ee qabsatay warbaahinta iyo baraha bulshada ee Internet-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here