Koonfur Galbeed xal u raadineyso dadkii laga masaafuriyey Laascaanood

0

BAYDHABO (SMN) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dad ka badan lix boqol oo ah dadkii laga soo musaafuriyay Laascaanood uu dejiyay gudaha magaalada Baydhabo, isla markaana lagu hawlan yahay sidii xal waara loogu heli lahaa.

Qaramada Midoobay ayaa maalin ka hor shaacisay in dad ka badan todobo kun oo qof laga musaafuriyay Laascaanood, arrintaasina dhalisay duruuf aadannimo.

Gudoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxootiga ee Koonfur Galbeed, Cabdiqadir Cali Maxamed ayaa ka warbixiyey xaaladda qoysaskaasi dhibaateysan.

Cabdiqadir Cali oo u warramay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday inay gurmad deg deg ah iyo caawimaad ay u baahan yihiin dadkaasi laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here