Ku xigeenka xoghayaha QM oo war ka soo saartay kiiska Ikraan & xaaladda dalka

0

Amina Jane Mohamed oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka warbixisay kulamadii ay la qaadatay madaxda dalka.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan golaha wada-tashiga qaran ay u muujiyeen hoggaamin wanaagsan ku aadan sida looga gudbi karo marxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka waxay muujiyeen hogaamin weyn iyo ka go’anaasho si loo hormariyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay kujiraan talaabooyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah, iyo magacaabista xubno u doodaya in wax weyn lagu daro arrintaasi waxaa kaloo muhiim ah in leysku raaco hab gaar ah oo lagu gaari karo qoonada 30% doorashada soo socota” ayey qoraalkeeda ku tiri ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale waxa ay soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyada oo ku baaqday in la qaboojiyo xiisadda ka dhalatay kiiskaas, ayna muhiim tahay inay cadaalad hesho Ikraan.

“Waxaan ku kalsoonahay hoggaanka Soomaaliya inay dejiyaan xiisad kasta ayna ka fogaadaan talaabo horseedi karta rabshado oo dib u dhac ku keeni karta doorashada ama wiiqi karta kalsoonideeda” ayay markale tiri Amina Jane ku xigeenka xoghayaha QM.

Amina Jane Mohamed oo shalay soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaadatay madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo ay la jiraan golaha wada-tashiga qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here