Muqdisho, 7 May 2025 – Kalfadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la hakiyay kaddib markii aan la helin kooramka loo baahan yahay si kulanku u furmo, sida uu xaqiijiyay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa si kulul uga hadlay maqnaanshaha xildhibaanada, isagoo ugu baaqay dhammaan xubnaha in ay si joogto ah oo waqtigeeda ah uga soo qeyb galaan fadhiyada baarlamaanka.
“Baarlamaanka waa saldhigga dimuqraadiyadda dalka. Haddii xubnaha aanay gudan waajibaadkooda dastuuriga ah, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa sida ku xusan xeer-hoosaadka golaha,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.
Hakadka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in gelinka dambe ee maanta la daah-furo xisbi siyaasadeed oo taageero u ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xogaha hordhaca ah ee la helay ayaa muujinaya in xisbigan cusub uu noqon karo mid saameyn weyn ku yeesha isbeddelka awood qeybsiga siyaasadeed ee dalka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkan la daalaa dhacayay baaqashada kulamadiisa sababo la xiriira kooram la’aanta, taas oo keentay dib-u-dhac ku yimaada hawlaha sharci dejinta iyo hirgelinta siyaasadaha muhiimka ah ee dowladda.
Xafiiska Guddoomiyaha ayaan weli shaacin goorta rasmiga ah ee dib loo qaban doono fadhiga la hakiyay, hase yeeshee mas’uuliyiin baarlamaan ayaa sheegay in dadaal lagu bixinayo sidii fadhiga xiga loogu heli lahaa kooram buuxa.



