BAY – Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel Bashiir oo hoostaga degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, halkaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Intii uu socday howlgalka, ayaa la sheegay in qaar kamid ah xubnihii Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen ciidamada, iyadoo sidoo kale la burburiyay goobo ay kooxda u adeegsan jirtay kaydinta hubka, ururinta baadda iyo xarumo lagu dhibaateyn jiray shacabka deegaanka.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso la dagaallanka Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin xubnaha kooxda.
Sidoo kale, maalmahan dambe waxaa kordhay howlgallada iyo duqeymaha cirka ah ee ay fuliyaan ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda.
Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa la sheegay inay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo awoodda kooxda iyo dhaqdhaqaaqyadeeda deegaannada ay ka howlgasho.




