Kuwait oo ka hadashay weeraradii ka dhacay Soomaaliya

0
Kuwait flag close-up waving isolated white background realistic 3d illustration

KUWAIT [SMN] – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait, ayaa Jimcihii cambaareysay, cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday Xarunta Xalane oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, oo ay ku sugan yihiin Hay’adaha Qaramada Midoobe iyo kuwa Shisheeye, kaasoo ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen tiro dad ah.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Kuwait ay garab taagan tahay Soomaaliya ayna taageereyso dhammaan tallaabooyinka lagu ciribtirayo argagixisada.

Wasaaraddu waxay dib u soo celisay mawqifka mabda’a leh ee Kuwait ee diiddan rabshadaha iyo argagixisada iyadoo si qoto dheer uga tacsiyeysay qoysaska dhibanayaasha iyadoo u rajaynaysa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here