Fahad Yaasiin oo la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimadiisa

0

BELEDWEYNE (SMN) –  La-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa qaatay shahaadada musharaxnimadiisa, isaga oo ka guddoomay guddiga SEIT ee HirShabelle.

Fahad Yaasiin ayaa u tartami doono kursiga tirsigiisu yahay HOP#086 oo lagu wado in beri lagu qabto gudaha magaaladaasi.

Doorashada kursigan ayaa aad loo hadal hayaa, waxaana horey ugu fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir oo mar soo noqday wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya.

Si kastaba, ammaanka Beledweyne ayaa la adkeeyey, waxaana la geeyey ciidan dheeraad ah oo qayb ka ah socdaalka Fahad Yaasiin, si ay u sugaan amnigiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here