Sawirro: Muxuu Lafta Gareen kala hadlay safiirada dalalka Mareykanka iyo UK?

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiiradda Ingiriiska iyo sii hayaha Safaarada Mareykanka.

Lafta Gareen iyo Safiirada oo kulankooda sido kale ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxa ay kaga wada hadleen xaaladda dalka uu marayo dhinacyada Amniga, doorashooyinka iyo Abaaraha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka golaha wadatashiga qaran ee looga hadlaayo xiisadda taagan iyo sidoo kale doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa weli ku jirto xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashooyinka ka socda dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here