Lafta Gareen oo war kasoo saaray geerida Maxamed Sheekh Madoobe

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamed Sheekh Madoobe oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay in Marxuumku uu muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyed iyo doorkii uu ku lahaa difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo burbarkii kaddib door ka soo qaatay nabadeynta iyo dowlad dhiska dalka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Runtii waa geeri murugo leh, Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Sheekh Madoobe oo muddo dheer si daacadnimo iyo geesinimo leh ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka”. Ayuu yiri Mudane Cabdicasiis Lafta-gareen.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here