Laftagareen oo lagu eedeeyay inuu diidan yahay doorasho ka dhacda K/ Galbeed

0

BAYDHABO (SMN) – Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen Joon oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Joon ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Laftagareen, isaga ku eedeeyay inuu ka baxay heshiisyadii uu horay ula galay mucaaradka, wuxuuna tilmaamay in uusan diyaar u ahayn doorasho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu hortaagan yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si ay xoreynta uga bilaabato deegaanada Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Talaadadii shalay magaalada caasimadda ah ee Nairobi lagu soo gabagabeeyay shirkii ay ku yesheen mucaaradka Koonfur Galbeed oo soo saaray go’aano la xiriira doorashada maamulkaasi oo ay sheegeen in laga gaabiyay hanaanka lagu wajahayo iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here