Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax galab5a lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

 

Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garasbaaley ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya illaa iyo 6 ruux isla goobtana uu ku basbeelay gaarigii ay wateen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Hormuud ayaa lagu shaaciyay magacyada shaqaalaha ku dhintay weerarkaasi qaraxa ah, ayada oo sidoo kale tacsi loo diray ehelladooda.

“Waxa aan ehellada, asxaabta, shaqaalaha shirkadda, iyo bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeynaynaa geerida shaqaalihii ku naf waayay falkaan gurracan, waxaana Alle uga baryeynaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halkan hoose ka akhriso;-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here