Lix qof oo ku dhintay weerarkii lagu qaaday garoonka Aadan Cadde

0

MUQDISHO (SMN) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay weerar ay maanta Al-Shabaab ku qaadeen garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in lixda qof oo shan ka mid ah ay yihiin ajaaniib uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM.

Waxa uu sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jireen tababarayaal ka caawiya dawladda dhinaca tababarka qaraxyada.

Goor sii horeysay booliisku waxay sheegeen in laba nin ay isku dayen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka ee dhinaca albaabka Mariino, islamarkaana ay booliska dileen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegteen oo kale in xoogagooda ka dagaalamayeen gudaha garoonka ayna dab qabadsiiyeen meelo ka mid ah garoonka.

Sarkaal ka tirsan ddwladda Soomaaliya oo magaciisia qariyey ayaa sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay ka gudbeen barihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here