Maal-gelinta Qardu Xasan oo la siiyay Ganacsatada yaryar ee Kismaayo [Sawirro]

0

KISMAAYO [SMN] – Qaar kamid ah Ganacsatada yaryar ee magaaladda Kismaayo , ayaa ka faa’ideystay maalgalinta Qardu Xasan (free Microfinance) ee Salaam Somali Bank Maanta oo Isniin ah.

Xarunta Salaam Somali Bank ee magaaladda Kismaayo, ayaa Maanta oo Talaado ah ganacsatada lagu gudoonsiiyay lacago aan faa’ido laga rabin oo loogu tala galay inay ku kobciyaan ganacsiyadooda yaryar.

Ganacsatada oo rag iyo dumar isagu jiray ayaa wajiyadooda laga dareemayay farxad, iyagoo uga mahadceliyay bangiga taageeradda uu siiyay iyo maal-gelinta oo ay sheegeen inay wax badan ka bedeli doonto ganacsigooda.

Maalgelinta Qardu Xasan ayaa horey looga sameeyay xaruumaha bangiga Salaam Somali bank oo ku yaalla Caasimadda iyo degmooyin dhowr ah oo gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla tan iyo 2020.

Maamulka Bangiga, ayaa shaaciyay in Qardu Xasanka lagu dhiira-gelinayo ganacsatada Soomaaliyeed ee leh riyooyinka iyo hal-abuurka inay ku kobciyaan ganacsigooda.

Maal-gelintan ayuu maamulka sheegay in la gaarsiin doonaan dhamaan dalka, waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa sare u qaadista shaqa abuurka iyo dhaqaale dalka Soomaaliya oo hadda ku jira soo kabasho.

Hoos ka Daawo Sawiradda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here