Maamulka degmada Xarardheere oo faah-faahiyay duqeyn lagu beegsaday Shabaab

0

XARARDHEERE (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal dhanka cirka ah oo ay Sabtidii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saaxibada Caalamiga ah ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

 

Guddooniye ku xigeenka maamulka degmada Xarardheere Maxamed Abshir Jiirow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeyntaasi, wuxuuna sheegay in lagu beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug.

Jiirow ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas lagu beegsaday xarun ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, islamarkaana lagu gaarsiiyey khasaare lixaad leh.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in laga hortegay weerar ay qorsheynayeen xoogaga Al-Shabaab ee ku sugnaa saldhigga la duqeeyay.

Dhimashada ayuu tilmaamay inay kor u dhaafeyso illaa 100 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

Saldhigga la duqeeyay oo gebi ahaan burburay ayaa ahaa taliska ugu weyn Al-Shabaab ee gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna ku yaalaa deegaanka Dumaaye oo qiyaastii illaa 40 KM u jira magaallo xeebeedka Xarardheere ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here