Wasiirka Maaliyadda XFS oo kormeeray howlaha Canshuuraha + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kormeer ku tagay xafiisyada ku howlan dakhli soo saarka iyo uruurinta canshuuraha.

 

Wasiir Biixi ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda Canshuuuraha Barriga Cabdulaahi Nuur Shirboow.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku dhiirigaliyay kooxda ku howlan arrimaha dakhliga iyo canshuuraha oo laf-dhabar u ah shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ku dadaaleysaa sare u qaadidda dakhliga, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka shuruudaha deyn-cafinta.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here