Maamulka G/Banaadir oo la wareegayo labo ka mid ah isbitaalada Muqdisho

0

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu la wareegayo maamulka laba isbitaal oo Muqdisho ku yaal oo ay eedeeyeen in ay dhinac mareen habka maamulka ee loogu talagay.

Isbitaalladaasi ayaa kala ah isbitaalka jaziira iyo Yerdameli, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in uu soo magacaabi doono maamulka cusub ee labadaasi isbitaal.

Afhayeenka maamulka Banadir Saalax Dheere oo goor sii horeysay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalladaasi ay hareer mareen habraacyadii loogu talo galay ee maamul, isla markaana ay lacago badan ka qaadaan dadka bukaannada ah ee yimaado isbitaalladaasi oo aheyd in si bilaash ah loogu adeego.

Sidoo kale waxa uu sheegay in muddo todobaad ah loo qabtay inay maamulka labadaasi isbitaal ku soo wareejiyaan maamulka Banaadir oo wixii hadda ka dambeeya ay maamuli doonaan isbitaalladaasi iyadoo la raacayo habka daadajinta adegga caafimaadka ee heshiisyada dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here