Maamulka gobolka Gedo oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Axmed Madoobe

0

GARBAHAAREY (SMN) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay inay marwalba diyaar u yihiin doorashadii loo ballansanaa in lagu qabto magaalada Garbahaarrey.

Axmed Buulle Maxamed, ayaa sheegay inuu la yaabay hadalka madaxweynaha Jubaland ee ahaa inay qabanayaan doorasho xor iyo xalaal ah.

Hadalkan ayaa waxa uu imanayaa kaddib markii madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu xalay carrabka ku adkeeyay in 16-ka kursi ee ay degaan doorashadoodu tahay magaalada Garbahaarey aanay ka hari doonin doorashada dalka ka socota.

Waxa uu intaa ku daray in mar-naba aan la qeybin doonin kuraasta gobolka Gedo islamarkana uusan ka tanaasuli doonin hal kursi oo kuraastaasi ka mid ah.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray maamulka gobolka Gedo oo sheegay in arrintaas ay u baahan tahay dib u heshiin maamulkaas laga dhex sameeyo, doorashaduse ay sideedii u dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here