Maamulka G/ Banaadir oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay shilkii Jubba

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay shilk khasaare gaystay oo xalay ka dhacay isgoyska Jubba, kaas oo sabay khasaare leh dhimasho iyo dhawaac.

 

Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhinteen 2 qof, ayna ku dhaawacmeen 2 kale, kadib markii gaari xumuul ah uu ku dul dhacay hoomey ay saarnaayeen shacab.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in hadda kadib maalintii aysan socon karin gawaarida xamuulka ah, isla markaana la fasixi doono wixii ka dambeeya 10:00-ka habeenimo.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here