Maamulka gobolka Hiiraan oo war kasoo saaray dagaalkii ka dhacay Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaa looga hadlay dagaaalkii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Qoraalka maamulka kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay  in kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ay weerareen ciidamo uu watay sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, xilli ay ka soo laabteen Feer Feer.

Afhayeenka maamulka oo aqriyey warsaxaafadeedka ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagi dadkii ka dambeeyey falkaasi, lana marsiin doono cadaaladda.

”Iyada oo falalka nuucan oo kale ah ay caado u aheyd kooxaha Nabad diidka ah in kolonyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu Ahaa fal-Huwan halistiisa waxaane la Horgeyn doona Maxkamada awooda u leh Cidii ka Dambeeysay,” ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ”Maamulka gobalka Hiiraan ee Dowlad Goboladeedka Hir-Shabeelle waxaa masuuliyad  ka saaran tahay ka Shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka cidna laga Aqbali maayo khal-qal gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beledweyne,”.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana socda baaritaano lagu hayo raggii ka dambeeyey falkaasi oo qaarkood gacanta lagu soo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here