Maamulka gobolka Hiiraan oo war kasoo saaray xaaladda magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad adag ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo ku aadan fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle ee dhex mara magaaladaasi.

 

Cabsi xoogan ayaa ka jirta Beledweyne oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka da’een roobab xoogan oo saameyn ku yeeshay waddooyinka magaalaadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan, Cabdiwaajid Cumar Nuuriyow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay xaaladda magaaladaasi, wuxuuna sheegay in xaalka uu adag yahay, isla-markaana ay ka cabsi qabaan in karkaarada uu jabsado wabiga kadiba uu ku butaaco xaafadaha magaalada Beledweyne.

Magaaladan ayaa waxaa marar badan ku dhuftay fatahaado soo laa laabtay sanado xiriir ah, waxaana haatan jira qoysas qaarkood, gaar ahaan kuwa barakacayaasha oo ka guuray xaafadahooda, kadibna dagay banaanka magaalada, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarto fatahaad ku dhufata magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here