Madaafiic khasaaro geystay oo maanta lagu garaacay magaalada Muqdisho 

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay madaafiic waabarigii hore ee saaka lagu garaacay Degmooyinka Warta Nabadda iyo Waabari ee Gobolka Banaadir.

Ilaa 4 hoobiye ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Warta Nabadda halka mid kale uu ku dhacay guri ku yaalla Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay Degmada Waabari uu ku dhintay macalin dugsi oo magaciisa lagu soo koobay Aweys iyo gabar uu dhalay, halka uu dhaawac soo gaaray xaaskiisa iyo laba kale oo carruur ah.
Illa hadda lama garanayo halka laga soo tuuray hoobiyeyaashan oo dhawaqooda laga maqlay Degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.
Xiriiro kala duwan aanu la sameynay Maamullada Degmooyinka Warta Nabadda iyo Waabari ayaa innoo suuro gelin si wax badan uga oggaano weerarkii madaafiicda ahaa.
Todobaadkii la soo dhaafay illas labo Hoobiye ayaa ku dhacday xerada Xalane iyadoo mid 3-aad uu ku dhacay meel aan ka fogeyn run-way-ga ama halka ay diyaaradaha soo caga-dhigtaan ee Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.
Madaafiicdan ayaa imaaneysa iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho aad loo adkeeyay maadaama maalmihii ugu dambeeyay caasimadda lagu qabanayay munaasabado lagu weyneynayay maalmaha xorriyadda.
Illaa hadda majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Hay’addaha Ammaanka oo ku aadan madaafiicdii lagu garaacay qaar ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.
Si-kastaba, Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay geystaan, kadib markii laga saaray degaanno badan intii uu socda wajiga 1aad ee howlgalka militeri, oo intiisa badan laga sameeyay Hirshabelle iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here