Faahfaahino kasoo baxaya howlgallo ka dhacay degmada Galcad + Sawirro

0

GALCAD (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidamada dowladda maanta ka sameeyeen duleedka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

 

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, waxayna tageen degaanada Ceel-xaaji iyo Ceel-dhiigtaar.

Taliyaha ururka 7-aad ee ciidanka Kumaanooska Gorgor, Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalkan ay ku fashiliyeen qaraxyo.

Mahad Imaan ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyada oo ahaa kuwa miinooyin ah ay soo saareen, kuwaas oo lagu aasay bartamaha waddooyinka isku xira deegaanadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here