Madaale oo dhagax dhigay dhismaha Laami laga hirgelinayo Dharkenley

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Dabakaaya Madow iyo Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley, taas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qeybta galbeed.

Duqa Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri, “Meeshaan culeys ayaa ka jiray haddase waa laga baxay, waxaana u sabab ah maamulka degmada Dharkiinley, waan dadaalaynaa dalkeenana hal dollar ayaan ku dhisanaynaa.”

Dhismaha waddadan ayaa ah mid iskutashi ah oo ay iska kaashan doonan dadka reer Dharkeenley, rugta ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyada oo ay xusid mudan tahay in waddadan ay tahay markii ugu horeysay oo Laami la saari doono taas oo hirglinteeda ay baahi u qabeen bulshada reer Madiina.

Muddooyinkii dambe waxaa isbadal ku yimid qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda, iyada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu waddooyin dhowr ah dhagax dhigay, halka qaar kood xarriga laga jray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here