Madasha Siyaasadda Puntland oo ka hortimid doorashooyinka maamulkaasi

0

GAROOWE (SMN) – Shirweyne ay siyaasiyiinta kasoo jeeda Puntland ku yeesheen gudaha magaalada Garoowe, kuwaas oo la magac baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka kooban sideed qodob oo looga hadlay doorashada maamulkaas.

 

Siyaasiyiintaan ayaa sheegay in hannaanka loo wajahayo doorashada ay khaldan tahay, isla-markaana ay horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed.

Sidoo kale waxa ay sheegeen madaxweyne Deni aan lagu aaminin karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland.

Ugu dambeyn wax ay dowladda federalka Soomaaliya ugu baaqeen inay faragalinta siyaasadeed iyo hadalada xanafta leh ka dayso Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here