Madaxa Hay’adda UNFPA oo ka hadlay maalinta cidhibtirka  xanuunka Fastuulaha

0

Xafladan oo lagu xusayay maalinta  cidhibtirka  xanuunka  Fastuulaha ee isu furanka dumarka islamarkaana ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda sanduuqa dadweynaha ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNFPA, dhqaatiir, Xildhibaano, haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

 

Madaxa Hay’adda UNFPA, Nii Ojolaabe oo ugu horreyn ka hadlay munaasabaddan ayaa sharraxay ahmiyadda ay leedahay in lagu baraarugo wax ka qabashada xanuunkan iyo is xasuusinta dhibaatada haweenka ka soo gaarta dhalmada.

Ojolaabe ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed qaarkood ay la soo daristo xaalada isu furanka taasi oo ah mid ka mid ah waxyaabaha keena umul aroorka dumarka ama waxa loo yaqaan maternal mortality.

Ugu dambeyn, Gebagebadii munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay Riwaayad iyo heeso ka tarjumaya  dhibaatada uu xanuunka   isu furanku ku hayo Haweenka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here