Madaxda maamul goboleedyada oo u hambalyeey madaxweyne Saciid Deni

0

GAROOWE (SMN) – madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa u hambalyeey madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdulllahi Deni.

 

Qoor qoor ayaa madaxweyne Deni u rajeeyay in uu ku guuleysta shaqooyin horyaala isagoona sheegay in dadka reer puntland ay ka sugayaan Puntland oo nabdoon horumarna gaarta.

Sidoo kale madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Hambalyo u direy Madaxweynaha la doortay Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni oo maanta ku guulaystay Doorashadii lagu qabtay Magaalada Garoowe.

โ€œWaxaan Hambaliyo leeyahay Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo mar kale loo doortay Hogaaminta Dowlada Puntland, waxaan Alle uweydiinayaa Madaxweyne Saciid in xilka mar labaad loo doortay la garab galo kuna asturo.amaanada loo igmaday.

Dhanka kaleย  madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha mar kale dib loo doortay ee Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryayย  Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland in Alle uu ku guuleeyo Masuuliyada cusub ee loo doortay.

Waxaa Madaxweynahu uu ku bogaadiyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida nabada iyo wadajirka leh ee ay ku qabsoontay doorashada madaxtinimada Puntland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhankiisaย hambalyo ah u diray Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland in markale Alle uu ku guuleeyo Masuuliyada culus ee loo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here