Madaxweynaha cusub oo la kulmay madax goboleedyada dalka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan qado sharaf ah u sameeyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.

Madaxweyneyaasha 5-da dowlad goboleed ee xubnaha dowladda Federaalka ayaa maanta kulan wadajir iyo booqasho ah waxaa ay ugu tageen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa ku qotomay soo dhaweyn madaxweynaha cusub iyo is xog wareysi, waxaana uu bilaw u noqon doonaa wada shaqeynta dowlada Federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here