Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dagay degmada Maxaas + Sawirro

0

MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardar galinta howgalada ka dhanka ah Al-Shabaab  ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah halganka dib u xoreynta dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Maxaas kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa halyeeyada difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab oo ay dadka ree Hiiraan ku wajaheen si geesinnimo iyo isku-duubni leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka hawlgallada dalka looga sifeynayo Al-Shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu socon doono inta Al-Shabaab laga saarayo dalka oo dhan.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa muddo bil ah ku sugnaa caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaas oo uu ka hoggaaminayay dagaalka Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here