Madaxweynaha Israa’iil oo sugan Addis Ababa kana hadlay Arrimaha marin badeedka Itoobiya

0

Addis Ababa — Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay “dal miisaan weyn ku leh qaaradda Afrika” isla markaana muddo tobannaan sano ah ay saaxiib dhow la ahayd dawladda Israa’iil, xilli uu Arbacadii kula kulmay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 

Herzog ayaa hadalkan jeediyay intii uu socday kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga amniga iyo arrimaha gobolka.

Booqashada Madaxweynaha Israa’iil ayaa ku soo beegmaysa xilli Israa’iil ay bishii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid qayb ka ah istaraatiijiyad ay Israa’iil ku raadinayso xulufo cusub oo gobolka ah, iyadoo Itoobiya loo arko lamaane muhiim ah.

Isbahaysiga la sheegay inuu soo ifbaxayo ayaa la xiriira xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga iyo ganacsiga, gaar ahaan ilaalinta iyo maareynta marinka istaraatijiga ah ee Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here